Dhageyso: Biyo yarida Buurhakaba Oo Sababtay Inay Dadku Saacado Ceelasha u Lugeeyaan

0
226

Buurhakaba(INO)- Dad ku nool degmada Buurhakaba ee gobolka Bay iyo tuulooyinka u dhow ayaa saacado u lugeeya si ay u helaan biyo macaan oo ay cabi karaan.

In ka badan shan ceel oo ku yaallay degmada way gureen, kuwii ugu dambeeyay waxay gureen Bishii Hore, iyadoo labo toddobaad ka horna biyaha laga dhammeystay warta keliya ee degmadaas oo dabooli jirtay inta badan baahidii biyaha ee dadka.

Wariye Faysal Dhaayow oo Ka Mid ah Wariyaasha Shabakada Wararka  IdaleNews.com Ee Magaalada Baydhabo  ayaaa telefoonka ugu sheegeen  inay ku rafaadeen afar saac oo ay ceelkaas u lugeyaan, ku dhawaad labo saacadood oo kale oo ay safka ku jirtaan iyo labaatanka litar oo sida ay sheegeen aan ku filneyn howsha guriga iyo inay cabaan  Caruurta.

Halkan Ka Dhageyso