Garowe(INO)— Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo maanta dib ugu laabtay magaalada Boosaaso ayaa shir jaraa’id uu qabtay waxaa uu ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay shirkii Dubai ku dhex maray Madaxda Maamul goboleedyada dalka iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Imaaraadka Carabta.
C/wali gaas ayaa sheegay in shirka Dubai looga hadlayay arrimo ku saabsan mustaqbalka Soomaaliya iyo geeddi socodka Nabada, isagoo xusay in intii uu shirkaas socday ay isku arkeen isaga iyo Madaxweynaha Galmudug, ayna ka wada hadleen colaadii Gaalkacyo, isla markaana heshiis looga gaaray.
“Dabcan halkaas waxaa ka jiray shir ay isugu yimaadeen madaxda dowlad goboleedyada Somaaliya, oo looga arrinsanayay waxayaabo badan oo quseeyo mustaqbalka Soomaaliya iyo geeddi socodka nabada Soomaaliyeed, dabcan hadii meel la isugu taga wax badan oo kalaa ka dhasha isu tagii aan meeshaas tagnay fursad kala isku aragnay ayay aheyd Madaxweynaha Galmudug iyo madaxda kale, wixii taagnaa ee shidada Gaalkacyo ayaa ka hadalnay, waa aragteen war murtiyeedkii Abuu Dhabi, waxaa lagu heshiiyo in xabad joojin la sameeyo”ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
C/wali Gaas ayaa sheegay in Puntland aanay waligeed wadin duulaan, isla markaana ay ka shaqeyneysay maslaxada iyo nabadgelyada Soomaaliya, isagoo xusay inay rajeynayaan inay dhamaato colaada Gaalkacyo, lana gaaro xal waara sida uu yiri.
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay eedeyn loo soo jeediyay oo ahaa inuu lunsaday lacago dowladda Federaalka ugu deeqday Puntland, isagoo been abuur ku tilmaamay warkaas, isla markaana inkiray in wax dhaqaale ama mucaawino ka soo gaartay dowladda Federaalka.
Dhinaca kale Madaxweyne Gaas ayaa ka hadlay xaalada ka jirta degmada Qandala, halkaasoo todobaadkii hore ay qabsadeen Daacish, waxaa uu sheegay in aanay Daacish waligeed sii heysaneyn halkaas, isla markaana maalmaha soo socda laga howl galayo.
Madaxda maamul goboleedyada dalka oo maalmahan shirar uga socday Dubai ayaa maanta si kala gaar gaar ah ugu soo laabtay dalka, waxaana kulamada ay la lahaayeen Mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta looga hadlayay qorshayaal ay Imaaraadka ka leedahay doorashooyinka, iyadoo musharax gaar ah ay wadato.