France: Qoxooti Eritrean iyo kuwo Afghanistan oo dagaal diimeed ku dhex maray kaamka Calais

0
161

Paris(INO)- Booliska rabshadaha ka hortaga ee dalka Faransiiska ayaa gaaray xerada Calais ka dib markii uu halkaasi ka bilowday dagaal u dhexeeya masiixiyiinta Eritereya iyo Muslimiinta Afghanistan.

Dadka ku dagaallamaya xeradaasi qaxootiga ayaa u badan dhallinyaro. Booliska waxa ay sheegayaan in qiyaastii boqol qof ay rabshada ka qeybgaleen.

Tobannaan ka mid ah masiixiyiinta Eritereya ayaa waxa ay gabaad ka dhigteen kaniisad laga guuray oo ku taalla halkaasi.

Inta badan xerada Calais waxaa burburiyay ciidamada dalka Faransiiska. Balse, qiyaastii 15 kun oo ka mid ah dad keligood ah ayaa la dejiyay konteenaro.

Maamulka dalka Faransiiska ayaa dadkan u kala kexeyn doona qeybaha kale ee dalkaasi laga billaabo maanta.