Dhageyso: Maxaad Ogeyn Oo Caawa Ka Taagan Degaanka Goof Gaduud Shabellow?

0
211

Goofgaduud(INO)- Ciidanka Koonfur Galbeeed iyo Kuwa DFS oo ay wehlinayan Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika Ee AMISOM, ayaa waxay isaga soo baxeen Deegaanka Goofgaduud, oo 30-KM u jira Magaalada Baydhabo.

Labada ciidan oo wata gaadiidka gaashaaman ee dagaalka, ayaa soo galay Magaalada Baydhabo, ka dib markii ay ka soo guureen fariisimahoodii Deegaanka Goofgaduud.

Korneel C/laahi Sheekh Maxamed Baabu-raxmaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM in ay isaga baxeen Deegaanka, sidoo kalena ay gudaha u soo galeen Shabaab.

Wuxuu sheegay ujeedka Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ay uga baxeen Deegaanka in ay tahay Mushaarkooda ay xaqa u lahaayeen oo aysan weli helin.

Halkan Ka Dhageyso