Dhegayso: Ilhaan Cumar oo Taariikhda Dalka Mareykanka Galeysa

0
176

MN(INO)-Ilhan Cumar oo ah gabadh Soomaali Mareykan ah ayaa 8 maalin kadib qarka u saraan in ay noqoto gabadhi ugu horreysay oo Muslim, muhaajir Mareykan ah oo noqota xildhibaan.

22 sano ka hor Ilhan Omar oo ah gabadh ku dhalatay dalka Soomaaliya balse hadda heysato dhalashada Mareykanka, waxay ku nooleyd xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya.

Hadda waxay indhaheedu hayaan oo ay qarka u saarantahay in ay ka mid noqoto xildhibaanada Aqalka Wakiilada ee Gobolka Minnesota ee dalkan Mareykanka, kadib marki ay guul weyn kasoo hoysay ololihii doorashooyinki horudhaca ahaa ee sanadkaan.

Ugu dambeyntii, Hadaba waxaanu Halkan idiinku soo gudbinaynaa Warbixin Xiiso badan oo Diirada lagu saaray Ilhaan Cumar, iyadoo sheegtay inayna Marnaba ku Riyoon Qorshahan.

Halkan Ka Dhageyso