Dhageyso: Wararkii Ugu Dambeeyey Al-Shabaab Oo Dad Ku Laaysay Tiyeeglow

0
182

Tiyeeglow(INO)- Al-shabaab ayaa waxa ay dad ku dileen Degmada Tiyeeglow ee GobOlka Bakool, kadib markii dhowaan ay la wareegeen gacan ku heynta Degmadaasi.

Dadka Shabaabka ay dileen ayaa waxaa la sheegay in ay gaarayaan ilaa iyo 5 Qof, kuwaas oo isugu jira ganacsato iyo Rag kale oo Deegaanka ah.

Shabaabka ayaa Dadkan ay dileen waxa ay ku eedeeyeen in ay jaajuus u ahaayeen Ciidanka Dowladda iyo kuwa Itoobiya ee dhowaan isaga baxay Degmadaasi.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq (Afaraale) oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Deegaanada Koonfur Galbeed oo la hadlay  Warbaahinta ayaa sheegay Shabaab in Degmadaasi ay ku dileen dad rayid ah oo aan waxba galabsan, sidoo kalena ay dhibaato ku hayaan dadka shacabka ah.

Wuxuu sheegay Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed in ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan in ay dib ula wareegaan Degmada Tiyeeglow.

Al-shabaab ayaa dhowaan waxa ay la wareegeen Degmada Tiyeeglow, kadib markii ay isaga baxeen Ciidanka Dowladda iyo kuwa Itoobiya, waxaana horey Shabaabka ay Degmadaasi ugu dileen 2 Qof oo rayid, kuwaas oo ay ku eedeeyeen jaajuusnimo.