Muqdisho(INO)- Kulan weyne aad u balaaran oo lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee dambiyada aan la ciqaabin ee ka Dhanka ah suxufiyiinta uuna soo qaban qaabiyay Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa maanta lagu qabtay caasimadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.
Munaasabadii xuskaasi oo ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay madax ka socotey NUSOJ, masulliyiin matalaysay Ururda Saxafiyiinta Gabdhaha Soomaaliyeed, wakiilo ka socday hayadaha warbaahinta caalamka ee fadhiigoodu uu yahay G/Banaadir iyo in ku dhow 50-suxufi oo ka kala yimid qeybaha kala duwan ee warbaahinta Soomaaliyeed.
Furitaankii xuskaasi waxaa khudbad ka soo jeediyay Xoghayaha Guud ee NUSOJ ahna masuul ka tirsan Gudiiga Fulinta ee IFJ Cumar Faaruuq Cusmaan Nuur wuxuuna ku dheeraadey ka sheekaynta taariiqda iyo sida uuu ku yimid xuska maalinta caalamiga ah ee dambiyada ka dhanka ah saxafiyiinta, isagoo ku nuux-nuuxsaday inay lagama maarmaan tahay sidii caddaalada loo horkeeni lahaa cid kasta oo dambi ka gasha saxafiyiinta Soomaaliyeed.
“Haddaan nahay Nusoj waxaa naga go’an in la tababaro suxufiyiinteena si aqoontooda kor loogu qaado, toddobaadyada iyo bilaha soo socdo waxaa la qaban doonaa tababaro lagu kala dhigayo Muqdisho iyo Gobolada Wadanka, saaxiibayaal wiilasha iyo gabdhaha halkaan joogto iyo in kale ayaa tababaradaasi ka qeyb qaadan doonta haddii uu ALLE idmo” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Nusoj oo ku cel-celiyay inaaney jirin cid ka xeran Nusoj.
Gudoomiyaha Naadiga Gabdhaha Saxafiyinta Soomaaliyeed Wariye Nimco Xasan Cabdi oo iyana madashaasi ka hadashay ayaa sheegtay in la joogo xilligii ay NUSOJ iyo gabdhaha saxafiyiinta Soomaaliyeed gacmaha is qabsan lahaayeen, waxaana ay soo jeedisay in lala yimaado Midnimo iyo iskaashi, iyadoo dhanka kale u mahad celisay NUSOJ oo isku soo duwdey qabashada xuskaasi caalamiga ah ee ku saabsanaa dambiyada ka dhanka ah saxafiyiinta.
Xubno ka tirsanaa saxafiyiintii kulankaasi ka qeyb gashay ayaa halkaasi ku soo bandhigay nooca tacadiyada loo gaysto wariyaasha iyo sida loo difaaci karo saxafiyiinta, tallooyinkii goobtaasi laga soo jeediyay ayaa waxaa ka mid ahaa:- -in xil la iska saaro oo si weyn loo hubiyo wararka la baahinayo, in mar walba taxadir iyo feejignaa ay qabaan saxafiyiinta, -in wariyaashu ay ka digtoonadaan meeel walba oo Qatar ka soo wajahi karta, in gurmad iyo taageero loo fidiyo weriye walba oo lagu dhibaateeyo xirfadiisa, -in la abuuro jawi la isku kaashan karo iyo qoddobo kale.
Ugu dambeyntii,Xuskii munaasabadaasi oo ku dhacey jawi aad u wanaagsan ayaa qeyb waxa uu ka yahay xusas ceynkaan oo kale ah oo caalamka sannad walba xilligaan oo kale lagu qabto.
Halkan Ka Daawo Sawiro