Magaalada Baydhabo Oo Ka Socota Diyaar Garoowgii Ugu Dambeeyay Ee Soo Xulista Ergooyinka

0
234

Baydhabo(INO)- Diiwan gelinta Ergooyinka Dooranaya Xubnaha ka mid noqonaya Baarlamanka cusub ee dowladda federaalka Somaaliya ayaa iminka ka socota magalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay kuwaas oo hada meel wanagsan maraya.

Xubno ka socda Wasaarada Arimaha Gudaha Somaaliya ayaa hor boodaya dardar gelinta sidii loo ansixin lahaa Ergooyinka dooranaya Xildhibaanada dowladda soo socota.

Amaanka Magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay waxaana Magalada ku sii qul qulaya Odayaal Dhaqmeedyo iyo Siyaasiyiin doonaya in ay wax ka dhisaan xubnaha Aqalka Hoose u meteli doonaan Dowlada Koonfur Galbeed Somaaliya.

Ugu dambeyntii, Marka la gasoo tago Magalada Baydhabo ayaa hadana waxaa jira in sidoo kale maamulada kale ay sidaan oo kale hardan ugu jiraan sidii ay usoo saari la haayeen Xubnihii Aqalka Hoose u meteli lahaa.