Booliiska KGS: “Annagaa Damaanad Qaadeyna Amniga Goobaha Doorashooyinka”

0
187

Baydhabo(INO)- Taliska Booliiska Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in iyagu ay damaanad qaadayaan amniga guud ee goobha doorashooyinka ka dhacayaan ee KGS iyo sidoo kale musharraxiinta ku sugan Baydhabo.

Taliyaha Booliiska Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Isaaq oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dedaal badan ay ku bixinayaan sidii ay qaab nabadeed ugu dhici lahayd doorashooyinka la filayo iney ka dhacaan Baydhabo.

Waxa uu tilmaamay in shaqada ay ciidanka Booliiska hayeen lasii xoojiyey islamarkaana haatan ay u taagan yihiin xaqiijinta amniga dorashooyinka.

“Diyaar baan u nahay inaan sugno amniga guud ee musharraxiinta Koonfur Galbeed, sidoo kale waxaan sugeynaa amniga goobaha doorashooyinka annaga oo ka feejigan wax walbo, annaga ayaa damaanad qaadeyna amniga guug ee goobaha doorashooyinka” ayuu yiri Taliyaha.

Taliye Isaaq ayaa kula dardaarmey shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya gaar ahaan kuwa Baydhabo iney u istaagaan la shaqeynta ciidamada amniga.

Ugu dambeyntii, Magaalooyin badan oo dalka ah waxaa looga diyaargaroobayaan doorashooyinka aqalka hoose, iyadoo amniga uu yahay mid aad loo adkeeyey.