Kenya oo sheegtay in ay Shabaab ka dishay 140 Askari

0
191

Nairobi(INO)- Ciidanka dowladda Kenya ee qeyb ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa shaaciyay in ay todobaadkii hore ay dileen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

War lagu daabacay Wargeyska The Star  ayaa lagu sheegay in ay dileen 140 dagaalame oo ka tirsan Xarakada  Al-Shabaab ka dib dagaal ka dhacay gobolka Jubbada Hoose.

Sarkaal Sare oo ka tirsan ciidanka dowladda Kenya oo la hadlay wargeyska the Star ayaa waxa uu sheegay in Todobaadkii Hore dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar kusoo qaadeen Saldhiga ciidanka Jubbaland ee degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Kudhawaad 500 oo Askari oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerarka soo qaaday sida ay sheegtay dowladda Kenya , waxaana ay meesha uga carareen Meydka 140 dagaalame.

Ciidanka dowlada Kenya , waxa ay sheegeen in dagaalyanada soo weeraray ay wateen Gawaarida dagaalka, islamarkaana  ay ka gubeen Qaarkood.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan sheegashada dowladda ee ah in ay dishay 140 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab.