Qandala(INO)- Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa kusoo waramaya in ciidanka maamulka Puntland ay wadaan abaabul dagaal oo ay ku doonaayaan in Magaalada Qandala ay kaga saaraan kooxda Daacish.
Taliyaha ciidanka maamulka Puntland ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay ka saari doonaan kooxda Daacish magaalada Qadiimiga ah Qandala oo dhawaan gacanta u gashay Kooxdaasi.
Dadkii kunoolaa magaalada Qandala ayaa ka barakacay , waxaana magaalada ku haray kooxo yar oo kaluumeysato ah iyo sidoo kale ciidankii taageersanaa kooxda dowladda Islaamka ee Daacish.
Tuulooyinka u dhaxeeya Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari iyo sidoo kale degmada Qandala ayaa waxaa soo gaaray dad aad u badan kuwaa soo caruurtooda kala soo cararay kooxda la wareegtay Qandala.
Magaalada Qandala ayaa waxa ku haray dad fara ku tiris , waxaana kooxda Daacish ay Magaalada ka sameysatay dhufeysyo waa weyn sida ay idaacadda Risaala u sheegeen dadka deegaanka.
Degmada Qandala ayaa waxaa dhawaan qabsaday koox sheegatay in ay ka tirsanyihiin ururka Daacish ee ka dagaalama Suuriya iyo Ciraaq.