Dhageyso: Puntland iyo Galmudug oo is dhaafsaday maxaabiis ay ku kala qabsadeen dagaalada Gaalkacyo

0
186

Galkacyo(INO)— Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Maamulada Puntland iyo Galmudug ay shalay gelinkii dambey is dhaafsadeen maxaabiis ay ku kala qabsadeen dagaalada maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay galbeedka magaalada.

Ganacsato iyo Odayaasha dhaqanka ayaa ka soo shaqeeyay in labada dhinac ay sii daayaan maxaabiista ay kala heystaan, isla markaana is dhaafsadaan.

Nabadoon Cali Diiriye Aloore ayaa warbaahinta u sheegay in dadka ay kala heystana labada dhinac ay u badnaayeen dad shacab ah.

“Ganacsatada iyo odayaasha dhaqanka ayaa dadaal u galay in la is dhaafsado dadka la kala heysto oo ay ku jiraan dad shacab ah, Galmudug waxay wareejisay afar nin, halka Puntland ay soo wareejisay hal nin, shantaas ayaa la kala wareegsaday”ayuu yiri Nabadoonka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dadaal loogu jiro sidii loo kala qaadi lahaa ciidamada isku hor-fadhiya galbeedka magaalada Gaalkacyo, si dagaalka daba-dheeraaday loo joojiyo.

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa dhowaan soo bandhigay maxaabiis ay sheegeen inay dagaalada ku qabteen.

Dagaaladii Gaalkacyo ayaa waxaa ku barakacay in ka badan 50-kun oo qoys, kuwasoo xaalado bani’aadanimo ku heysato deegaanada miyigi ah.