Dhageyso:Dadkii Kasoo Barakacay Tiyeeglow Iyo Xaalada amaan degmada hudur

0
186

Hudur(INO)Maamulka degmada hudur ee xarunta goblka bakool ayaa waxaa uu sheegey in ay wadaan qursho ku aadan sidii ay ku sugi lahayeen amaanka degmada hudur kadib markii ciidamada itoobiya Maamlmo kahor  ay kasoo baxeen degmada tiyeeglow ee gobolka bakool.

Maxamed macalin axmed gudoomiyaha degmada hudur  ee gobolka bakaal ayaa waxaa uu sheegey in ciidamada kusugan degmadiisa ay  kahor tagi donaan weerarada  al shabaab ay ku soo hayaan degmada hudur kadib markii ciidamada itoobiya ay shegeen in ay kabixi donaan guud ahaan gobolka bakool.

Gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegey in ay ku talan donaan ciidamada xooga dalka somaliya iyo ciidamada koonfur galbeed ku wooda ku sugan degmada hudur.

Dhanka kale gudoomiyaha ayaa waxaa uu xusey in maalin kahor dagaal ay lagaleen urarka al shabaab degaan layiraado qurun jareer dagaal xoogan kadib ay kala waregeen degaankaasi.

Saraakii katirsan ciidamada itoobiya ayaa horey waxaa ay shegeen in ay kabixi donaan dalka somaliya iyadoo horey ay uga baxeen degaano iyo degmooyin katirsan dalka somaaliya iyadoo degmadii ugu dembeysay oo ay kabaxaan ay tahay degmada tiyeeglow  oo katirsan gobolka  bakool.