Tiyeeglow(INO)- Dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab, ayaa laba qof oo rayid ahaa ku dilay Degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool, xilli Arbacadii ay bilaa dagaal kula wareegeen.
Tallaabada ay kula wareegeen Degmadaasi waxay ka dambeysay, markii ay isaga baxeen Ciidamadii Militariga Itoobiya, oo ay wehlinayan boqolaal ka mid ah Ciidamada Dowladda Somaliya.
Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa labada qof ay dileen oo rag ahaa ku eedeeyay inay la shaqaynayeen Ciidamada Dowladda Somaliya iyo kuwa Itoobiya.
Boqolaal ka mid ah qoysaskii ku dhaqnaa Degmada Tiyeeglow, ayaa waxaa la soo sheegaya in ay ka barakaceen Degmadaasi, ka dib soo gelitaankii dagaal-yahanada Shabaabka.
Xildhibaan Maxamed Isaaq Xuseen (Afaraale) oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ee ka soo jeeda Degmada Tiyeeglow, ayaa sheegay in dadka deegaanka lagu soo kediyay ka bixitaankii Ciidamada Itoobiya.
Xildhibaanka, ayaa hoosta ka xariiqay in dadka deegaanka ay intoodu badan u carareen deegaano ka kala tirsan Gobolada Hiiraan, Baay iyo Bakool.
Qoysaska ka barakacay Tiyeeglow, ayaa waxay ku barakaceen baabuur iyo gaari dameero, halka qaarkoodna ay barakaceen, iyagoo cagahooda maalaya.