Daawo: Taliyaha Booliska oo Darajada Gaashaanle Sare u xiray Haweenaydii ugu horeysay ee Booliska ka tirsan

0
205

Muqdisho(INO)- Taliyaha ciidamada Booliska Somaliya Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa Darajada Gaashaanle Sare u xiray Haweenaydii ugu horeysay ee ka mid ah ciidamada Booliska Somaliya.

Haweenaydaan oo lagu magacaabo Faadumo Xasan Maxamed (Neero) ayaa ka mid noqotay ciidamada Booliska Somaliyed 1971, ilaa xilligaana waxa ay ku jirtaa ciidamada Booliska Somaliyed.

Faadumo Xasan Maxamed (Neero) ayaa ka hadashay dareenkeeda ku aadan Darajada Gaashaanle Sare ee Taliyaha ciidanka Booliska Somaliya u xiray.

“Taliyaha  ciidanka Booliska   ayaan ugu horreynta u mahadcelinayaa taliyaha, isagoo mudnaanta siiyay gabdhaha , aniga 1971-dii ayaan soo qortay ciidanka Booliska ,  taliyaha Booliska waa shaqsi  xaqa yaqaano , gabdhaha tiro yar ayaan eheyn dhanka  gabdhaha Booliska ku jiray  , haatan wey saai’deen  ku dhawaad waxaan iminka nahay kun.”  Ayay tiri gaashanle Sarre Faadumo Xasan Maxamed.

Taliyaha ciidamada Booliska Somaliyed, ayaa sidoo kale Darajada Madaxa Waaxda ka hortagga Tacadiyada Haweenka u xiray Dhamme Idil Cabdilaahi Xasan iyo Ku xigeenkeeda Dhamme Raxma Salaad Maxamed.

“Waxaanu eheyn markii loo eego Booliska in gabdhaha la arki jiray kaliya xiliyada 20 Desembar oo ah aas aaska ciidanka Booliska , mana jirin in goobo kale nagula arko , hase yeshee maanta waxaanu nahay kuwo laqeyb sanaayo ragga howlaha ay hayaan ,taasina waxaa mahadeeda leh taliyaha ciidanka boliiska Somaliyed sareeyo gaas maxamad shiikh xasan xaamud ” ayay tiri Dhamme raxma salaad Maxamad .

Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa wax badan isbedel ku sameeyay Ciidanka Booliska Somaliyed, iyadoo isbedelkaasi uu haatan Booliska ka muuqdo.

booliska-1booliska-2booliska-3booliska-4booliska-5