Dhageyso: Abwaan Mustafe Sh. Aaden Oo Si Kuluul U Dhaliiley Xubnaha Aqalka Sare Koonfur Galbeed

0
180

Baydhabo(INO)- Abwaan Mustafe Sheekh Aaden oo ka mid ah Abwaanada Ugu waa weyn ee Gobolada Kooonfur Galbeed Soomaaliya oo Ku Dhaqan Dalka Boqortoouada Sacuudi Carabiya ayaa si weyn u dhaliiley Xubanaha Aqalka Sare ee U Matalaya Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliiayee Ee DFS, Kuwaasoo uu ku tilmaamey in aysan lahayn Khibrado iyo Aqooon sare markii loo eego Kuwa ay soo Xusheen Maamulada Puntaland iyo Gal-mudug.

Abwaanka ayaa waxa uu sheegey in aan laga fiirsan Soo xulistooda, isla markaana waxa uu Hoosta Xariiqay inuu mugdi sii galayo Masiirka iyo Siyaasada Bulsahda Koonfur Galbeed Soomaaliya , isagoona Eedeyn Kuluul Dhabar u saarey Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aaden.

“ Hawiye iyo Daarood waxay keensadeen Dadkoodi waxtar ahaa, Faroole iyo C.Qaydiid baa Aqalka Sare la isugu Geeyey, idinku waxaad soo Xusheen dad aan naf Lahayn oo Meelaha kale aad ka Keensateen, eedaas waxa iska leh Shariif Xasan Sheekh Aaden, looma raacayo Odayaasha Dhaqanka, hadii aadan dooneynin in aadan naga reebin Beelaha kale, Digil iyo Mirifle Waxay Waxbaraan Amerika iyo Ingiriiska, waxay leeyihiin aqoonyahno sare iyo Dad tayo leh” ayuu yiri Abwaan Mustafe Sheekh Aadan

Halkan Ka Dhageyso