Wararkii Ugu Dambeeyey Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee lagu Qaaday saldhig Ciidanka Jabuuti ee Beledweyne

0
195

Baledweyn(INO) — Weerarkan oo noqonaya kii ugu culsaa oo wayadii ugu danbeeyay lala eegto AMISOM ee gobolka Hiiraan ayaa lagu qaaday Saldhig ciidanka Jabuuti ay ku leeyihiin xaafadda Howl-wadaag ee galbeedka magaalada Beledwene.

Qof ku sugnaa goob aan ka fogeyn saldhiga la weeraray IdaleNews.com u sheegay in gaari UD ah oo dusha sare laga soo saaray ”Bal” [Cowska ay cunaan Xoolaha] lagu weeraray saldhiga, iyadoo wixii intaa ka danbeeyayna la maqlayay rasaas culus.

“Anniga farmashi ayaan ku lahaa goob aan ka fogeyn saldhga la weeraray, dhismihii armashiga ayaa isugu so dumay,” ayuu yiri qofka la hadlay IdaleNews.

Wuxuu intaas ku daray in markiiba loo soo sheegay dhimashada gabar ay qaraabo ahaayeen oo madaxa ay uga dhaceen biro ka soo firxaday qaraxa gaariga.

“Goobta meel aad u mashquul badan ayeey aheyd, waxaa ku yeella suuq lagu iibiyo xoolaha oo ay dadku u soo shaqo tagaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne ayaa la dhigay dhaawacyadaqaar ka mid ah dadkii wax ku noqday qaraxa.

Xaaladda ayaa hadda u muuqata mid degan mana jirto rasaas dhaceysa, balse ahaatee guud ahaanba ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa ku jirra foojignaan dheeraad ah, iyaga oo xirray jidadka muhiimka ah ee magaalada.

Saacado ka hor weerarkan ismiidaaminta ah ciidammada dowladda ayaa fashiliyay miino lagu aasay meel wadadda dhinaceeda ah oo ay qarxiyeen qeybta miino baaritan ciidamada booliiska dowladda Soomaaliya.

Illaa iyo hadda ma jiro wax ah oo ka soo baxay laamaha ammniga dowladd iyo AMISOM intaba waxaana muuqanaya wali in ay socdaan baaritaanno la xiriira sidda uu weerarku u dhacay.

Ugu dambeyn, Wixii dheeraad ah ee kasoo kordha warka arintan ku saabsan waan idin soo gudbin doonnaa…