Galkacyo(INO)- Wasiirka Deegaanka Puntland Dr. Cali Cabdullaahi Warsame oo Warbaahinta la hadley ayaa sheegay in Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ciidamo ka socda AMISOM u soo direy Cadaado, kuwaas oo la wareegay dhamaan xarumaha Galmudug ku leedahay Cadaado, taas bedelkeeda ciidankii horey u ilaalinaayey xarumahaas ayaa shan gaari lagu soo qaadey waxaana la keeney furinta Gaalkacyo isla Shaleyna dagaalkii iyaga ayaa qaadey waxaana kamid ahaa NISA ayuu yiri wasiirka Deegaanka ee Puntland.
Dr. Cali Cabdullaahi Warsame ayaa ka hadley kaalinta xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya waxaana u yiri: “Runtii tuhun wayn ayaan ka qabnaa doorka UN-ka ee ku aadan Colaada ka taagan Gaalkacyo, Mas’uuliyadda koowaad waxaa iska leh Galmudug iyo Huwanta la socota haddana waxaan aaminsnahay doorka UN-ka inuu yahay door aan caddayn, waxaanaaminsanahayan hawl fududaynta ay siinayaan maamulka Galmudug iyo diyaaradaha ay siinayaan in loo adeegsado sidii hub iyo rasaas looga keeni lahaa Xamar, taasoo loo isticmaalayo colaada Gaalkacyo…”
Mar la weydiiyey waxa uu ula jeedo huwanta soo weerartey ayuu sheegay in Dowladda federaalka iyo Galmudug aysan kala saarin oo wax isku mid ah ay noqdeen.