Galkacyo(INO)- 26 badmaax oo ka soo jeeda Qaaradda Asia, ayaa Axadii gaaray Magaalada Nairobi ee Xarunta Wadanka Kenya, ka dib markii ay kooxaha burcad badeeda Somalidu sii daayeen maalintii Sabtida.
Badmaaxayaashan oo u kala dhashay Wadamada Indonesia, China, Philippines, Vietnam iyo Taiwan, ayaa waxaa Garoonka Nairobi ku soo dhaweeyay Safiirada dalalkooda u fadhiya Caasimadda Kenya.
Raggan, ayaa Axadii laga amba bixiyay Garoonka Magaalada Gaalkacyo, waxaana la qorsheynayaa in Magaalada Nairobi looga sii gudbiyo dalalkooda.
Burcad badeeda Somalida, ayaa muddo ku dhow shan sano raggaasi afduub ahaan ugu haystay deegaano ka tirsan Bariga Gobolka Mudug, ka dib markii meel ku dhow Xeebaha Seychelles ay ka soo qafaasheen markabkii ay la socdeen, oo kol dambe ku degay meelo ka baxsan Xeebaha Somaliya.
Burcad badeeda, ayaa xilligii ay falkaasi ku kaceysay waxay gacanta ku dhigtay 29 nin, iyadoo saddex ka mid ihi ay xanuuno ugu geeriyoodeen deegaanada miyiga fog ee Gobolkaasi Mudug.
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in kooxaha burcad badeeda wada hadalo badan ka dib lagu qanciyay in madax furasho ahaan loo siiyo lacag dhan laba milyan oo dollarka Mareykanka ah.
Halkan Ka Daawo Sawiro