Tooshka IdaleNews: Madaxweyne Shariif Xasan oo BFS Cusub ka ilaalinaya in ay soo galaan Shaqsiyaad gaar ah Qorshe Cusubna wata

0
165

Baydhabo(INO)- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo saameyn badan ku leh soo xulista Xubnaha kamidka noqnaya Baarlamaanka cusub gaar ahaan kuwa kasoo galaya Beeaha Digil iyo Mirifle ayaa doonaya in uu ka reebo shaqsiyaad gaar ah.

Sida aan Warar hoose ku helnay Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dadaal badan ku bixinaya sidii uu Baarlamaanka uga ilaalin lahaa Siyaasiyiinta kasoo jeeda beesha Digil iyo Mirifle ee damaca uu uga jiro in ay isku soo sharaxaan ama noqdaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan Siyaasiga Galaangalka badan ayaa doonaya in markan Beesha Digil iyo Mirifle laga wareejiyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo mudooyinkan loo dooranayay shaqsi kasoo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle.

Waxa uu dadaal ku bixinayaa Shariif Xasan in Dhinac kale loo weeciyo Gudoomiyaha Baarlamaanka si Beeshiisa ay u hesho Madaxweynaha Soomaaliya ama ugu yaraan Ra’isul Wasaaraha, waxa uuna wadaa qorshayaal uu uga dhaa dhicinayo Siyaasiyiinta Digil iyo Mirile in in dhinac kale isaga wareejiyana Gudoomiyaha Baarlamaanka oo sanadihii ugu dambeeyay lagu calaamadeeyay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa inta badan gacanta ku haya Odayaasha soo xulaya Xildhibaanada Baarlamaanka ku matalaya Beelaha Digil iyo Mirifle, waxa uuna liiska ka saarayaa Siyaasiyiinta laga yabao in damaaciyaan Gudoomiye Baarlamaanka ama kooxo kale wataan.

Sida aan Wararka ku helnay Madaxweyne Shariif Xasan ayaa ka ilaaliyay in wax ergo ah ee yeeshaan ama saameyn ku yeeshaan Doorashada Xildhibaanada, Siyaasiyiin caan ah uu ku jiro Wasiirka Maaliyada Somalia Fargeeti oo lagu xamanayo in Kooxda Damul Jadiid la dooneyso Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Shariif Xasan ayaa sidoo kale isku dayay in Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof Jawaari ka ilaaliyo in uu kamid noqdo Baarlamaanka Federaalka , hasa ahaatee Odayaasha beeasha uu kasoo Jeedo Jawaari ayaa ku adkeestay in isagu doonayaan,waxa ayna gudbiyeen Ergo uu soo qortay Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari.

Dad badan ayaa aaminsan Qorshahan cusub uu wado Shariif Xasan ay miro dhal noqon karto hadii uu Gudoomiyaha Baarlamaanka ka ilalaiyo nin kasoo jeeda beesha Digil iyo Mirifle, waxa uuna Shariif Xasan doonayaa in Beesha Hawiye ku wareejiyo Gudoomiyaha Baarlamaanka si iyana Madaxweynaha u qaataan.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa lagu wadaa in uu ku dhwaaqo in uu yahay Musharax u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxa uuna rajo ka qabaa in loo doorto Madaxweyne hadii uu beeshiisa ka ilaaliyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.
Doorashadii dhacday 2012-kii ayuu Shariif Xasan ku fashlmay Musharxnnimadiisa Madaxweynaha Soomaaliya kadib markii Gudoomiyaha Baarlamaanka loo doortay Prof Jawaari oo kasoo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle, lamana oga in mar kale Jawaari uu isku soo taagi doono Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka.