Warbaxino: 284 qof oo rayid ah oo ay dil ku fuliyeen Daacish.

0
175

Washington(INO)-Waxaa meel adag maraaya dagaalka lagu hayo magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ciraaq ee Mosuul. Waxaa hadda soo baxaya warbixino sheegaya in Daacish ay toogasho ku dileen 284 qof, kuwaas oo ay ku jiraan caruur.

Weerarka ay sida wadajirka ah u fulinayaan Ciidamada Ciraaq iyo xoogaga Kurdiyiinta ayaa meel culus maraya sadexdii maalmood ee u danbeysey. Todobaadkii hore ayaa Daacish ay kaxaysteen 550 qoys kuwaas oo ay ka ururiyeen tuulooyinka ku hareeraysan Mosul, waxaana ay u badan tahay in dadkaas loo isticmaalayo gabbadka xabbada. 250 qoys ayaa laga kaxaystey tuulada Samalia halka 350 qoys ayey Daacish ka kaxayteen tuulada Najafia maalintii Isniinta ee la soo dhaafey waxaana la geeyey Mosul sida Qaramada Midoobey sheegtay.

Ciidamada Ciraaq ayaa u sheegay  in ay heleen 284 qof oo ay ku jiraan caruur kuwaas oo dhabarka iyo madaxa laga wada toogtey hareeraha Mosul, waxaana loo sameeyey xabaal wadareed.

Warbixinta CNN soo werisey ayaan laga xaqiijin ilo kale oo madaxbanaan.

Qaramada Midoobey ayaa sheegaysa in dadkaas ay dhici karto in loo isticmaalayey kuwo xabbada la isaga dhigaayo ama loo muujiyo caalamka in meesha lagu xasuuqayo dad rayid ah.

Zeid Ra’ad Hussein oo kamid ah komishanka xquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobey ayaa CNN u sheegay in ay hayaan warbixino caddeyn ah oo sheegaya in dadka rayidka ah la geeyey gobaha dagaalka si gabbaad looga dhigto.