Mareykanka oo Shacabkiisa uga digay inaysan booqan Goobaha ay rabshaduhu ka jiraan ee Itoobiya

0
206

Washington(INO) —Mareykanka ayaa Muwaaddiniintiisa uga digtay inay u safraan Itoobiya, halkaasoo uu sheegay inay ka jiraan Qala-laase siyaadeed iyo kacdoonno looga soo horjeedo Xukuumadda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa warbixin kasoo baxday lagu sheegay in muwaadiniinta Mareykanka ah aanay tegin Magaalooyinka ay Rabshadaha ka socdaan ee waddanka Itoobiya.

Sidoo kale, Muwaaddiniinta Mareykanka ah ee ku sugan Itoobiya, ayaa lagu Wargeliyay in ay taxaddar dheeraad ah muujiyaan, isla markaana ay yareeyaan dhaq-dhaqaaqyadooda, oo aysan u dhawaan goobaha inta badan ay rabshaduhu ka dhici karaan.

Dingiintan ayaa kusoobeegmaysa iyadoo haweeney Mareykan ah bishii lasoo dhaafay lagu dilay Gobolka Oromia ee Dalka Itoobiya, kaddib markii gaari ay saarneyd dhagxaan ay ku weerareen dibadbaxayaal careysan.

Waddamada Reer Galbeedka, ayaa intooda badan uga digay Shacabkooda in ay booqdaan gobollada ay dagaan shacabka kasoo jeeda qowmiyadaha kala ah Oromada iyo Amxaarada, kuwasoo ay ka socdaan dibadbaxyada Itoobiya ka dhacaya intooda badan.

Xukuumadda Itoobiya ayaa dhawaan xukun deg-deg ah kusoo rogtay dalka, kaddib markii ay sheegtay inay qalalaasaha dibadbaxayaashu bateen, ayna ka shaqeynayso sidii ay dalka ay amni ugu soo celin lahayd muddo lix bilood gudahood ah.

Ugu dambeyn, Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha ayaa ku eedeeyay dowladda Itoobiya inay xad-gudubyo ka dhan ah Xuquuqda bani’aadamnka geysatay, inkastoo xukuumadda Addis Ababa ay eedeymahaas iska fogeysay.