Tacsi: Al shabaab Oo Si Fool Xumo Ah U Diley Naboon C/laahi Axmed C/raxmaan Oo Si Weyn Looga Yaqaano KGS

0
179

Saakow(INO)- Alle ha u naxariiste Shalay Galinkii dambe waxaa Degmada Saakow ee Gobalka Jubada Dhexe si xaqdarro ah loogu diley Nabadoon C/laahi Axmed C/raxmaan oo ahaa mid ka mid Nabadoonada magaca kula haa Beesha Shanta Caleemood dhexdeeda iyo guud ahaan Beelaha Soomaaliyeed kuna magac dheeraa Nabadoon “Yaraaw”.

Waxay ahayd waa geeri laga wada Dareemay guud ahaan Gobalada Dalka, Gaar ahaan Gobalada Koonfur Galbeed Soomaaliya  siiba Degmada Wanleweyne Ee  Gobalka Sh/hoose oo uu kasoo jeedo.

Wuxuu ahaa Nabadoonku Qof Naxariis badan, Dadka dhibaateysanna u gargaara, Sadaqo badan, Salaada Jamaacada safka hore lagu yaqaan, Dadkoo dhanna saaxiib la ah.

Nabadoon C/laahi Axmed C/raxmaan “Yaraaw” wuxuu ahaa qof Bulshada Nabada u horseeda, waxa la wada og yahay Qatarta uu u mari jirey Deegaanka uu ku noolaa in Nabad lagu seexdo, lagu soo kaco, lagu shaqeysto, laguna Cibaadeysto.

Allow u Naxariiso.

( فإذا جاء أجلهم لا يستأخرون ساعة ولا يستقدمون )