Dhageyso: Shabaab oo saddex nin ku toogtay Fagaaraha Degmada Saakow

0
200

Saako(INO)- Ururka Al Shabaab, ayaa galabta saddex nin ku toogtay Fagaaraha Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe, ka dib markii ay ku eedeeyeen basaasnimo.

Gaadiid lagu soo xiray cod baahiye-yaal, ayaa dadka deegaanka ugu yeeray in ay galabta isugu soo baxaan Fagaaraha Degmadaasi, oo lagu wargeliyay in xukun laga fulin doono.

Ka hor inta aan raggaasi la toogan, ayaa waxaa dadka deegaanka la hadlay Qaadiga Maxkamadda Ururka Al Shabaab ee Gobolada Jubbooyinka, kaasoo sheegay in raggaasi lagu helay inay u basasayeen Mareykanka, sida uu yiri.

Qaadiga, ayaa sidoo kale sheegay in raggaasi ay Maxkamadda Al Shabaab ka hor qirteen eedeymaha lagu soo oogay, balse maanu soo bandhigin wax cadeymo intaasi dhaafsiisan.

Qaadiga Shabaabka, ayaa magacyada saddexdaasi nin waxaa uu ku kala sheegay Liibaan Xasan Maxamed, C/laahi Maxamed C/raxmaan iyo Maxamed Salaad Kaahiye.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in saddexdan nin ay ka tirsnaayen Ururka Al Shabaab, iyadoona ay deegaan ahaan ka soo jeedaan Gobolada Baay & Bakool.

Toddobaadkii hore, ayay ahayd markii Ururka Al Shabaab ay laba nin oo middi uu Kenyan ahaa ku toogteen Fagaaraha Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe. Raggaasi waxay ku eedeeyeen inay u basaasayeen Dowladda Kenya.

Shabaab loogama baran inay soo bandhigan cadeymo iyo qiraal ku aadan dadka ay toogashada ku fulinayan, marka laga soo taggo oraahda ay ku caanka baxeen, ee ah (Isagaa qirtay).