Baydhabo(INO)- iyadoo oo dhawaan la filayo in rasmi ah ugu dhawaaqo Musharaxnimada Madaxweyninimada Dalka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aaden Ee Ku aadan Doorashada 2016, ayaa Maanta Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, waxa uu kullan Wada tashiyo Kula qaatey Odayaasha Dhaqanka, Waxgaradka, Siyaasiyiinta Dhalanyarada , Haweenka iyo aqoonyahnada Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Kullankan wadatashiga ah oo ka dhacey Madaxtooyada KGS waxa ka hadley odayaal dhaqmeedyo, waxgarad, Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aaden, kuwaasoo fallanqeeyey Siyaasada Gaamurtey ee ka taagan Sooomaaliya tan iyo 1960 oo labo beeleed kaliye isku sawireen Jagada Madaxwynaha Soomaaliya, iyagoona hoosta ka Xariiqay in sanadkan 2016 loo baahan yahay in ay dhacdo isbdelo.
” Aniga waxaan idin ka doonaya inaad sharaxdaan, waxaa rabaa Kursiga Madaxqwyninimada Soomaaliya, hadii qof Digil iyo mirifle ah jiro oo doonaya madaxweynimada waan taagyeeraya waan gacan qabanaya ilaa iyo hada qof kale ma arkin ” ayuu yiri Shariif Xasan sheekh Aaden.
Halkan Ka Daawo Sawiro
Sawir qaade: Cabdi risaaq Aaden Cabdi