Ciidamada AMISOM oo raali galin ka bixiyay dil ay u geysteen qof rayid ahaa

0
202

Muqdisho(INO)-Ciidaamada AMISOM ayaa raali galin ka bixiyay dil ay u geysteen qof rayid ahaa.

Ciidamada AMISOM ayaa shalay Khamiistii raali galin ka bixiyay dilka qofkaa ayagoo dhawaan qofkaa ku dilay saldhig AMISOM ay ku leeyihiin Muqdisho. Waxay sidoo kale raali galin ka bixiyeen dhawaac ay u geysteen labo qof oo kale oo rayid ah.

Dilka ayaa ay ciidamadaasi geysteen doraad Arbacadii markii qandaraasleyaal gawaari watay ay halkaa u istaageen in labaaro.

“Nasiib darro mid ka mid ah askrta ayaa si kama ah u toogtay darawal asagoo sidoo kalena dhaawacay labo qof oo kale.” AMISOM ayaa sidaa sheegay.

Ciidamada AMISOM ayaa sidoo kale sheegay in baaritaan qotto dheer ay dhacdadaa ku samayn doonaan.