Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle oo Xalane kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka

0
208

Muqdisho(INO)— Madaxweynaha cusub ee Maamul goboleedka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa shalay xerada Xalane kula kulmay qaar ka mid ah Wakiilada Beesha Caalamka, iyagoo ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka iyo dib u heshiisiinta.

Kulankan oo ahaa kii u horeeyay ee Madaxweynaha Hirshabeelle la qaato xubnaha Beesha Caalamka ee Muqdisho ku sugan ayaa wax faah faahin ah laga soo saarin.

Hase ahaatee qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating waxaa uu ku sheegay inuu la kulmay Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle, kalana hadlay arrimaha doorashooyinka, dib u heshiisiinta iyo horumarka.

Beesha Caalamka ayaa wali taageero ka soo saarin doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ee Isniintii la soo dhaafay ka dhacday magaalada Jowhar, waxaana jiray warar sheegaya in aanay la dhacsaneyn wali habkii loo maray doorashada iyo kaalintii dowladda Federaalka ku laheyd dhismaha deg degta ah ee maamulka loo marayu.

Ilo wareedyo ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in Wakiilada Beesha Caalamka ay u gudbiyeen Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle inuu xal u helo khilaafyada ka jira dhismaha maamulka labada gobol, inuu dib u heshiisiin la sameeyo dhinacyada diidan maamulkiisa iyo in Ugaas Xasan Ugaas Khaliif wada hadal lala furo, taageerana ka helo.

Sidoo kale Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ku wargeliyay Madaxweyne Cali C/llaahi Cosoble in aanu wax kaalin ah ku yeelan doorashooyinka lagu wado inay dalka ka dhacaan iyo inuu ka fogaado xiriirka hoose ee kala dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhinaca kale Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa shalay xarunta Madaxtooyada kula kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ka wada hadlay doorashadii maamulka Hirshabeelle, dar dar gelinta doorashada xubnaha qalka sare iyo in maamulka Hirshabeelle soo dhiso dowlad ay ka dhex muuqdaan dhamaan bulshada degta labada gobol.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa maanta lagu wadaa inuu gaaro magaalada Beledweyn, iyadoo magaalada Muqdisho ka socoto abaabulka safarkiisa Beledweyn, oo lagu wado inuu kula soo kulmay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo si xooggan uga soo hor-jeeday shirkii Jowhar.

cosoblekkk