Kismaayo ( INO)-Iyadoo shalay Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland lagu soo gaba gabeeyay doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee Maamulkaas u matali doona Seneterrada cusub ee dalka uu yeelanayo, ayaa waxaa jira warar soo baxaya oo sheegaya in qaab aan cadaalad ahayn loogu qaybiyay Beelaha degan Jubbaland.
Ibrahim Maxamed Isxaaq oo kamid ah siyaasiinta ka soo jeeda Maamulka jubbaland ayaa sheegay in hanaankii loogu tala galay in lagu soo xulo xubnaha Aqalka Sare aan loo marin iyo awood qaybsigii dadka deegaanka Xaqa ay u lahaayeen in ay u qaybsadaan Xubanaha Aqalka sare.
Geesta kale Ibrahim Maxamed Isxaaq ayaa intaas ku diray in Madaxwayne ku Xigeenka Maamulka Jubbaland ‘’Maxamuud Sayid Adan’’ uu musuqmaasuqay Xubnihii Aqalka Sare ee maamulkaas kadib markii uu keenay Xubno aan qayb ka ahayn dadka Deegaanka iyo kuwa isaga ka agdhaw waa sida uu hadalka u dhigaye.
Hadalkan ayaa ku soo beegamaya xili shalay Magaalada kismaayo lagu soo gabagabeeyay doorashada xubnaha aqalka sare u matalayo Maamulka Jubbaland.