Muqdisho ( INO)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa waxuu sheegay in Ururka Daacish oo ku xoogan Dalalka Ciraaq iyo Syria ay imaan doonaan Dalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa xusay hadii aan laga hortagin Xubnaha Ururka Daacish taageersan in ay mustaqbalka dhow ay xarumo ku yeelan doonaan qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu qiray in qeyb ka goostay Al Shabaab ay haatan ku biiren Daacish, waxuuna sidoo kale tilmaamay in Xubno taageersan Ururka Daacish ay ku sugan yihiin Degaano hoostaga Maamulka Puntland.
RW Cumar ayaa waxuu u sheegay Wargeyska Newsweek oo ka soo baxa Dalka Mareykanka in ay dadaal dheeraad ah ku bixinayaan sidii looga hortagi la haa Xubno ka tirsan Daacish oo qorsheenaya in ay soo gaalaan Dalka Soomaaliya.
Waxuu carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in la helo Ciidamo isku-dhaf, kuwaasi oo dib u soo celiya kalsoonida Shacabka Soomaaliyeed.
Hadalka Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa waxuu imaanayaa xili Dagaal yahano hubeysan oo ku sugan Degaanada uu ka arimiyo Maamulka Puntland ay dhawaan ku dhawaaqeen in ay ka mid yihiin Ururka Daacish oo ku xoogan Dalalka Syria iyo Ciraaq.