Sanca(INO)- Ugu yaraan 155 qof ayaa ku geeriyootey weerar dhanka cirka ah oo ka dhacay caasimadda dalkas Yemen ee Sanca. Weerarka ayaa lala beegsadey dad ka qayb-qaadanaayey Aas/Duug. Sucuudiga ayaa sheegaya in aysan weerarin dad aas ka qayb-qaadanaayey.
Weerarka cirka ayaa lagu eedeeyey in ay qaadeen diyaaradaha dagaalka ee Boqortooyada Sucuudiga iyo xulafada kula jirta dagaalka Yemen oo sanadkii labaad dagaal ka wada dalka Yemen.
Xuuthiyiinta Yemen ayaa sheegay in ugu yaraan 155 qof ay geeriyootey, sida uu qoray CNN, waxaana ku dhaawacmey dad ka badan 534 qof, sida ay ku warantey Reuters.
Weerarka ayaa yimid xili la duugaayey Wasiirka Arrimaha Gudaha ee mamaulka Xuuthiyiinta Jalal al-Rawishans aabihiis. Dadka geeriyoodey qaar badan oo kamid ah ayaa ahaa Malayshiyaadka Xuuthiyiinta, iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada Xuuthiyiinta.
Laakiin xogta soo baxdey waxaa diidey Isbahaysiga ay hoggaaminayaan Sucuudigi, waxay sheegeen in aysan qaadin wax weerar dhanka cirka ah, waxayna ku tilmaameen in ay dhici karto in uu weerarku ka yimid jiho kale oo uu yahay Bom.
Cilmibaare lagu magacaabo Haykal Bafana oo ku sugan magaalada Sanca ayaa Telefishanka Al-jazeera u sheegay in uu arkaayey markii weerarka cirka ah uu dhacaayey, waxana uu sheegay in gantaalada lagu soo ridey Aaska ay gaarayeen afar gantaal kuwaas oo kala cuslaa.
Diyaaradaha dagaalka ee Sucuudiga ayaa horey loogu eedeeyey in ay dileen boqolaal qof oo rayid ah tan iyo markii ay weerarada cirka ah ay bilaabeen bishii Maarso 2015.