War Saxaafadeed Taariikh: 08/10/2016 No. ISSH/16/001
Ujeedo: Ku Dhawaaqis Ururka Ilaalada Shacabaka Shabelaha Hooose (Lower Shabelle Peopls’s Guard
Maanta oo ay taariikhdu tahay Sabti 8 Oktober 2016, waxaa loogo dhawaaqay aaga Magaalada Merka ee Gobolka Shabeelaha Hooose, Urur la magac baxay, Ilaalada Shacabaka Shabelaha Hooose ,( Lower Shabelle Peopls’s Guard). Ururkaan oo ah, urur ay sameysteen dadyowga ka soo jeeda, gobolka Shabeelaha Hooose.
Sababaha iyo baahida keentay in urukaan la dhiso waxaaa ka mid ah:
1. Dhibaatooyin baaxad leh oo dhinaca nabadgalyada, arimaha bainaadaminmada iyo horumarka oo kooxaha argagixisada ay ku hayaan shacabka iyo deegaanka Shabeelaha Hoose
2. Shacabaka ku nool Shabeelaha hoose oo la kulmay, gumaad, kufisi, dhac iyo isku socodkii deegaankta oo adkaatay.
3. Mudo ka badan 12 sano, ayaa shacabka waxaa ay ku jiraan dhibaataan baahsan, taas oo la ogaaday in aanan dowladd, ama maamul kale uusan wax ka qaban karin dhibaatadaaas ee waxaa la gaaray waqtigii ay isku tashan lahaayeen dadka deegaanka Shabeelaha Hoose, si ay u sugaan nabadgalyadooda, badbaadiyaana caruurtooda iyo dhalinyarooda, kuwaas oo ka lumay waddadii horumarka iyo waxbarashada.
4. Uruka waxa uu heystaa taageerada inta badan shacabka ku nool gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan, culimaaaudiinka, odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, aqoonyahanda, dhalinyarada, haweenka, dibed joogta, iyo dhammaan inta jecel nabadda Gobolka Shabeelaha Hoose.
Sidaas darteen, wadatashi badan oo arintaan ay ka yeesheen dadka deegaanka Shabeelaha Hoose, waxaa maanta suurto gashay in deegaanka Ceeljaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose looga dhawaaqo ururkaan la magaca baxay ilaalada Shacabaka Shabelaha Hooose (Lower Shabelle Peopls’s Guard).
Mabaadiida Ilaalada Shacabaka Shabelaha Hooose (Lower Shabelle Peopls’s Guard), waxay tahay, in ay gacan ka gestaan sidii nabad iyo xasilooni loogu soo dabaali lahaaa deegaanka Shabelaha Hoose iyo Gobolada derika la ah. Ururka waxa uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo Dowladda Federalka Somaliya, kan maamulka Kooonfur Galbeed Soomaaliya iyo Ciidadama AMISOM, sidii dadka Shabeelaha Hoose oo isku tashaday loo gaarsiin lahaa, nabadgalyo islamarkaasna dhammaan dadka ku cool gobolka ay ku wade noolaan lahaayeen si nabad ah iyo horumar.
Maamulka ugu sareeya ururka waxaa ka mid ah.
1. Abdullahi Waafow – Gudoomiyaha Guud Illaalada Shabcaka Shabeelaha Hoose
2. Sheikh Saalah, Maaamulka Ilaalada mutawiciinta
3. Abdiqani A. Yusuf – Afhayeenka Ilaalahda
4. Mohamed Osman Ali (Yariisow) – Wacyigelinta Illaalada
Waxaan ka codsanayenaa Dowladda Federalka, Maamul Goboleedka KGS, AMISOM iyo International Community in arintaan ay gaareen dada Shabeelaha Hoose in ay gacan ka geestaan, taas oo u noqon karto wadadii nabadda, xasiloonida iyo horumarka ee Gobolka iyo dhammaan dadka Soomaalida.
Mahadsanidiin
Abdiqani A. Yusuf
Afhayeenka Ilaaladda Shacabka Shabeelaha Hoose.
Emai:Lowershabelleguard@gmail.com