Baydhabo (INO) – Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya ee xiligiisu dhamaadey Maxamed Cismaan Jawaari oo taageero dhaqaale oo xoogan ka helaaya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu olole xoogan oo siyaasadeed uu ku doonaayo kursiga barlamaanka aqalka Hoose ee beeshiisa ka wadaa magaalada Baydhabo oo iyadu saldhig u ah doorashada xildhibaanada beelaha degan KGS.
Olalaha Jawaari ee Baydhabo ayaa ah mid looga gol leeyahay siduu uu boos ugu heli lahaa ergo gacan ku rimis ah oo dhan 30 xubnood oo gacan ka geysata soo noqonshadiisa, isagoona laaluush badan ku baxshey suurtogalnimada arrintaas, sidoo kalena ergada u balanqaadey lacago kale oo ay helaan marka xubinimadiisa barlamaanka cusub ay sugnaato.
Musharaxiinta kale ee la tartarmeysa Jawaari oo kala ah C/raxmaan Sheikh Ibraahim iyo C/risaaq Sheikh Muxiyadiin ayaan iyagu heysan dhaqaale badan oo ay siiyaan ergada soo xulaayo xildhibaanka beesha amaba hor istaagaan damaca Jawaari haddii aysan taageero xoogan ka helin maamulka Koonfur Galbeed ee Shariif Xasan.
Inskastoo Jawaari markiisii horeba ku imaan rabitaanka dadka uu ku abtirsado ee Digil iyo Mirifle, laakiin markii xilka guddoomiyaha baarlamaanka federaalka loo doortey 2012kii waxaa dad badan qabeen inuu yahay nin u qalma xilkaasi culus, balse muddo kooban ka dib waxaa dadkii sidaa aaminsanaa ay ogaadeen inay ku kadsoomeen, ayna dhacdey in talada gudoonka Barlamaanka noqoto xog-hayn si toos ah u hoostagta Madaxtooyada ama Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh, awood qeybsigii & xuquuq badan oo DM ku lahaayeen dowladda dhexena la qaatey ama si cad loogu xadgudbey.
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Aadan oo si aad ah uga soo horjeeda in Beelaha Digil & Mirifle ay isu sharxaan xilka afhayeenka baarlamaanka Somalia, isla markaasna aaminsan in ay heli karaan ama u tartami karaan xilka Madaxweynaha ama kan Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa si aad ah ula socda dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee musharaxiinta xilka gudoomiyaha barlamaanka ee DM gacan saarkana la leh Xasan Sheekh Maxameed ee kala ah Maxamed Cismaan Jawaari iyo Maxamed Aadan Fargeeto wasiirka Maaliyada Somalia.
Isku soo wada duub, haddii Jawaari uu ka mid noqdo xildibaanada cusub ee barlamaanka waxay taasi caqabad ku tahay dadka ka soo jeedo ee gobolada iyo deegaamada Koonfur Galbeed, Sidoo kalena waxayna si gaar ah mugdi u galeyneysaa damacii iyo rajadii Shariif Xasan Sheikh ee ka qaybgalka doorashada madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya oo dhici doona dhamaadka Bisha November ee soo socota.
Idale News ONline, Baydhabo.