Jowhar(INO)- Wararka inaga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in ergada ka qeybgalaysa shirka lagu dhisayo Maamulka cusub ee ay yeelanayaan Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ay maanta ansixiyeen dastuurkii uu yeelanlahaa maamul goboleedkaasi.
Dastuurkan cusub ayaa waxaa qodobada ku yaalay kamid ahaa in caasimada maamul goboleedka cusub ay noqonayso magaalada Jowhar, iyadoo maamulkani si rasmi ah loogu magac daray maamulka HirShabelle.
Wararka qaar ayaa sheegaya in calan xalay lasoo bandhigay oo la sheegay inuu yeelanayo maamulkaasi, maanta hadana la badelay kadib markii la isku afgaran waayay, ayna ergada saaka markale soo bandhigeen calan cusub ayna doorteen calanka iyo sumada uu yeelanayo maamul goboleedkaasi.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaarada arrimaha gudaha Yaxye Cali Ibraahin ayaa sheegay in baarlamaanka maamul goboledka la dhaarin doono maalinta sabtida ah ee soo socota, isla markaana la dooran doono Madaxweynaha maamul goboleedkaasi 15ka bishan Oktoobar ee 2016.