Sheekh Shaakir: “Dowladda iyo Shabaab lama kala yaqaan”

0
195

Dhuusamareeb(INO)- Madaxweynaha maamulka Gobolada Dhexe ee Ururka Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa sheegay in aanan la kala aqoonin Ururka Al Shabaab iyo Dowladda Federalka Somaliya oo ay noqdeen, kuwa isku dhex milmay.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa wuxuu sheegay Dowladda Federalka Somaliya inay shaqaaleysiisay xubno Shabaab ka tirsan, kuwaasi oo ka howlgala sida uu yiri Garoomada Diyaaradaha dalka, Dekadaha iyo qaar ka tirsan Hotelada ku yaal Muqdisho.

“Dowladda Federalka Somaliya in la kala aqoon waayay Shabaab iyo Dowladii oo ay isku milmeen, Al Shabaabkii waxa ay ka shaqeysiiyeen Airport, Dekadihii, maqaayadihii iyo Hotelaadii meel kasta Shabaab ayaa jooga, markaasey leeyihiin Shabaabka Hotelkii caawa adka soo dega Hotelka waxaa ay leeyihiin Aley lahee Caawa dheef ayaa soo seexatay, habeenimaa lagu dhaqaaqaa Xageey soo mareen? Waa Shaqaalihii oo labiska meesha uga tagay, Maqaayadihii waa sidoo kale Airport waa sidoo kale, waxaa intaas ka sii daran Umadii ayeey Al Shabaabkii Dhaqtar uga dhigeen, markaasey kee rabaan madaxa ku dhufanayaan Shabaabka , qorigii Sharciyeysan ayuu wataa, Tuutihii ayuu wataa.” Ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir.

Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlu Sunna oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale sheegay Maamul Goboleedyada dalka laga dhisay inay yihiin kuwa la mid ah Dowladda Federalka Somaliya oo qudhooda aaney ka marneyn Xubnaha Shabaabka.

“Maadaama la kala garan waayay Shabaab iyo Dowladda, wixii ay sameeyeen Dowladda ee Maamul Goboled ah iyaga iyo Shabaab waa la kala garan waayay, waayo waxaa la yiri Ilmo waa Aabahood.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sheekh Shaakir.

Dowladda Federalka Somaliya ayaa waxaa u degsan Siyaasad ku aadan xubnaha Shabaabka ka soo goosta ee Dowladda ku soo biira, kuwaasi oo loo sameeyo dhaqan celin.