Duqeyn lagu dilay Hogaamiye sare oo ka tirsan Al-Qacida oo ka dhacday Syria

0
193

Riqqa(INO)- Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa duqeyn ku dilay mid ka mid ah hogaamiyeyaasha Al-Qaacida ee ku sugnaa wadanka Siiriya, kadib markii la helay Macluumaad sheegaya halka uu ku sugan yahay Sarkaalkaasi.

Duqeyntan ayaa ka dhacday gobalka Idlib ee waqooyiga wadanka Siiriya, waxaana lala beegsaday hogaamiyaha lagu magacaabo Abu Faraj Al Masri oo ka mid ahaa raggii sida weyn ugu dhawaa hogaamiyihii hore ee Al Qacida Osama Bin Laadin.

Hogaamiyahan oo u dhashay dalka Masar ayaa magaciisa rasmiga ahaa Ahmad Salamah Mabruk, waxaana la dilay isagoo ku sugan magaalada Jisir Al Shaquur oo ka tirsan gobalka Idlib ee waqooyi galbeed dalka Siiriya.

Ninkan ayaa saarnaa gaarigiisa xiliga ay duqeysay diyaarad nooca aan duuliyaha wadin ee loo yaqaan Drone-ska oo laga leeyahay dalka Mareykanka.

Mareykanka ayaan weli xaqiijin geerida hogaamiyahan, balse qaar ka mid ah shabakadaha internet-ka ee taageera Al Qacida ayaa xaqiijiyey khaarajinta hogaamiyahaasi.

Mareykanka ayaa qiimeynaya Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Duqeyntaasi lagu dilay Sarkaalkaan sare eek a tirsanaa Al-Qaeda.

Dowladda Mareykanka ayaa beegsi baaxad leh waxa ay ku haysaa Saraakiisha Al-Qaacida iyo sidoo kale Saraakiisha sar sare ee Xoogaga Daacish.