New York(INO)- War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka xalay ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanku ay xiriirkii wadashaqeynta arrinta Suuriya ay u jartay dalkaasi Ruushka.
Sababta ayaa lagu sheegay in dowladda ruushku ay sare u qaaday weeraradeeda xagga cirka ah ee ay ka geysaneyso magaalada ay fallaagada Mareykanku taageero haystaan ee Xalab ama Aleppo.
Xukuumadda Suuriya oo taageero xagga cirka ah ka heleyso dowladda Ruushka ayaa laba isbuuc ka hor waxa ay bilaabeen duulaan ay ku sheegeen in ay dalka uga sifeynayaan kooxaha “argagixisada” ee uu Mareykanku taageero, iyagoona duqeymo qeylodhaan caalami ah dhalisay ka fuliyay magaalada Xalab.
Kooxda dibad-joogga ah ee loo yaqaan Syrian Observatory for Human Rights (SOHR) islamarkaana u ololeeya kooxaha mucaaradka ayaa sheegay in inka badan 400 oo rayid ah lagu dilay weeraradii xagga cirka ah ee soo bilowday laba isbuuc ka hor, waxayna intaa raaciyeen in 72 ka mid ah dadkaasi ay caruur ahaayeen.
” Ruushku ma uusan ilaalin heshiiskii xabadjoojinta ee bishii hore, balse waxa uu doortay in awood maletery wax lagu xalliyo”, sidaa waxaa yiri afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka oo lagu magacaabo John Kirby.
Maalmo ka hor ayay aheyd markii Mareykanku soo saaray hanjabaad ku aadan in uu xiriirka kala dhexeeya Ruushka arrinta Suuriya uu gebi ahaanba jarayo.