Jowhar(INO)— Ergada ka qeyb galeysa shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee ka socda magaalada Jowhar ayaa loo qeybiyay qabyo qoraalka dastuurka uu yeelanayo Maamulka labada gobol.
Qabyo qoraalka dastuurka oo ka kooban 7 cutub ayaa si koox koox ah uga doodi doonaan Ergada, waxaana dastuurka ku jira astaanta uu yeelanayo maamulka, xuduudihiisa, nidaamka uu ku shaqeynayo.
Sidoo kale Ergada ayaa lagu wadaa inay isku raacaan magaca uu yeelanayo maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo dhowaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ugu baaqday shacabka inay aragtidooda ka soo dhiibtaan magaca iyo astaanta calanka uu yeelanayo maamulka labada gobol loo dhisayo.
Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in todobaadkan ay ku ansixin doonaan qabyo qoraalka, si loo guda galo dhameystirka maamulka labada gobol oo qorshihiisu yahay bartamaha bishan in la doorto Madaxweyne.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa shalay ku guuleysatay inay qanciyo ergada ka qeyb galaya shirka jowhar, kadib markii maalin ka hor isaga baxeen, kaddib markii lagu wargeliyay in aanay wax dhaqaale ah qaadan doonin.
Dhinaca kale Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda labada gobol ayaa ku howlan soo xulista Xildhibaanada uu yeelanayo maamulka labada gobol.