Daawo:Daraasiin ruux oo ku dhintay rabshado ka dhacay Itoobiya

0
205

Addis(INO)— Daraasiin ruux ayaa ku dhintay dalka Itoobiya, gaar ahaan gobolada Oromada, kadib markii kumanaan ruux oo dhigayay mudaaharaad ka dhacay goob ka socday isu soo bax diimeed ay booliska rasaas ku kala eriyeen.

Kumanaan ruux oo isu soo bax diimeed ka dhigay magaalada Bishoftu ee caasimada Addis Ababa u jirta 40KM ayaa dibad baxooda u bedelay mid ka dhan ah dowladda Itoobiya.

Booliska ayaa sunta indhaha ka ilmeysiisa iyo rasaas nool nool oo digniin aheyd ku riday dadka dibad baxa ka dhanka ah dowladda dhigayay, waxaana is-buurasho ka dhalatay ay keentay inay dad badan ku dhintaan, halka kuwa kale ku dhaawacmaan.

Dadka dibada baxayay ayaa iyagoo gacmaha is-dhaafsan kor u taagayay, taasoo astaan u ah dibad baxyada ka dhacaya gobolka ay degto qowmiyad Oromada.

Dhibaatada ugu badan ayaa ka dhalatay, markii dadka fara badan ay ku dhaceen godad, iyagoo ka cararayay rasaasta ciidamada booliska ku fureen.

Kooxaha Mucaaradka ayaa sheegay in dadka dhintay ay gaarayaan illaa 50 ruux, balse ma jirto warar madax banaan oo xaqiijin kara.

Gobolka Oromada ayaa tan iyo dhamaadkii sanadkii hore waxaa ka dhacayay dibad baxyo ka dhanka ah dowladda, waxaana dibad baxyada ay ku fideen gobolka ay degan yihiin qowmiyada Amxaarada.

Injured protesters wait for help after several people died during the Irrechaa, the thanks giving festival of the Oromo people in Bishoftu town of Oromia region, Ethiopia, October 2, 2016.   REUTERS/Tiksa Negeri

An injured protester waits for help after several people died during the Irrechaa, the thanks giving festival of the Oromo people in Bishoftu town of Oromia region, Ethiopia, October 2, 2016. REUTERS/Tiksa Negeri

Injured protesters wait for help after several people died during the Irrechaa, the thanks giving festival of the Oromo people in Bishoftu town of Oromia region, Ethiopia, October 2, 2016.   REUTERS/Tiksa Negeri