Jilib(INO)- Ururka Al Shabaab ayaa soo bandhigay markii labaad Askari Kenyan ah oo lagu qabtay dagaalkii Shabaab ay ku qaadeen Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo 15-kii Bishii January ee sanadkaan.
Askarigaan ayaa magaciisa waxa uu ku sheegay David Ngugi Wataari, oo ka tirsan Guutada 120-aad ee ciidanka Difaaca dalka Kenya gaar ahaan Guutada Madaafiicda culus.
David Ngugi Wataari, ayaa fariin murugo leh u diray Qoyskiisa, isaga oo sheegay in sii deysmadiisa ay ku xiran tahay taageerada Qoyskiisa ay u fidiyaan, isaga oo intaasi hadalkiisa ku daray inuu ku jiro Jeel ay Maamulaan Ururka Al Shabaab.
“Waxaan idiin soo gudbinayaa fariintan anigoo codsanaya taageeradiina. Waxaa gacanta igu soo dhigay Al-Shabaab, welina waxaan ku jiraa jeelkooda. Xuriyadeyda waxay ku xiran tahay sidaad ii garab istaagtaan ka qoys ahaan. Waxaan idinka codsanayaa in aad u tagtaan hogaamiyeyaasha dowlada, oo aad u sheegtaan in wiilkiina ay gacanta ku dhigtay Al-Shabaab xilli uu dowladda Kenya uga howlgalayey Soomaaliya, kana codsada taageero walba oo ay idiin fidin karaan. U taga xildhibaanada, iyo gudoomiyeyaasha oo raadiya taageeradooda markaas wey noo baryi karaan dowladda, weyna xaqiijin karaan sidii wadankan la iiga soo deyn lahaa.Tani waa kaalmada kaliya ee aad ii fidin kartaan hadda, taasoo dabcan isiin doonta fursad aan dib ugu soo noqdo Kenya markaas oo aan markale dib u midoobi karno ka qoys ahaan.” Ayuu yiri David Ngugi Wataari oo cod maqal ah oo laga soo duubay laga baahiyay Idaacada Andalus ee Shabaab.
David Ngugi Wataari, ayaa fariin u diray Dowladda Kenya iyo shacabka dalkaasi ilaa Madaxweynaha dalka Kenya oo uu ka codsaday inaysan ka fariisan sidii gacanta Shabaab looga badbaadin lahaa.
“Fariinta labaad waxay ku socotaa dadweynaha Kenya. Dadkeyga reer Kenyoow, waxaan hadda idin kala soo hadlayaa jeelka Al-Shabaab. Saaxiibadeyda iyo anigaba waxaa Somaliya noo soo qaaday dowladda Kenya. Dagaal ayaana na lagu qabtay. Waxaan ka faa’ideysanayaa fursaddan si aan fariin idinkugu soo diro. Dadka reer Kenyoow, Meelkasta oo aad joogtaan waxaan idiin leeyahay: Haddii ay fariintan idiin soo gaarto la xiriira hogaamiyeyaashiina maxaliga ah markaas wey ka shaqeyn karaa sii deynteyda iyo sii deynta saaxiibadeyda kale. Gaarsiiya xildhibaanada, Senatorada, gudoomiyeyaasha xitaa Madaxweynaha haddii aad awoodaan, una sheega in ay jiraan ciidamo ay dagaalka qabatay Al-Shabaab, ayna hadda dalbanayaan caawinaad haddii dalabkooda la aqbalana ay xuriyadooda helayaan, kuna soo noqon karaan dalkooda. Dadka reer Kenyow, hadaad gacmaha isu-qabsataan arinteena darteed, waxay noqon doontaa shaqo weyn oo aad noo qabateen. Dhamaan dadka jooga cirifyada wadanka waxaan leeyahay: qof kasta oo maqla fariinteydan hala Aamusin, hana qarsanin laabtaada adigoo aanan wax oran. Marka ugu soo horeyso ee aad hesho fariintan aad hogaamiyaha kugu dhow ee aad heli karto. Haddii aadan ka ag-dhawaan karin saraakiisha sarsare, raadi Sarkaal kasta oo loo sii mari karo Saraakiisha sarsare, una sheeg in ay jiraan ciidamo ku dhibaateysan Soomaaliya.”
Bishii aynu soo dhaafnay ayaa Al Shabaab waxa ay soo bandhigeen Maxbuus Kenyan ah iyo Maxbuus dalka Uganda u dhashay, kaasi oo gacanta ay ku hayaan Xoogaga Shabaab, labada maxbuus ee Shabaabka ay soo bandhigeen mid ka mid ah waxaa lagu qabtay dagaaladii Janaale, waa midka Uganda u dhashay, halka midka Kenya u dhashayna lagu qabtay dagaalkii Degmada Ceelcadde.