Muqdisho (INO)—Kooxo hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in Caawa Sarkaal ka tirsanaa Wasaarada Cadaaladda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku Dileen Degmada Waabari ee Magaalada Muqdisho.
Sarkalkan oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Aadan Qoordheere ayaa markii la dilayay waxaa la sheegay in uu ka soo baxay Masjid uu ku soo tukaday Salaada maqrib, islamarkaana ku sii jeeday hooygiisa oo ku yaalla Degmada Waabari.
Sheekh Cismaan Cumar oo ka mid ah ehelada Marxuumka oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay geerida Sarkaal Maxamed Aadan Qoordheere.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu intaasi ku daray in dableydii ka dambeysay Dilkaasi ay isaga baxsadeen goobta.
Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Maamulka Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir oo ku aadan Dilkaasi.
Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada Weerarkii Caawa lagu khaarajiyay Maxamed Aadan Qoordheere.
Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii bilihii ugu dambeeyay waxaa siyaabo kala duwan uga dhacayay Dilal qorsheysan oo lagu beegsaday Mas’uuliyiin iyo Saraakiil ka tirsanaa Dowladda, iyo sidoo kale Suxufiyiin ka howlgalla Xarumaha Warbaahineed ee Muqdisho.