Daawo: Kullan Looga Hadlaayey Tacadiyada Maleeshiyada Shabaab Oo Ka Dhacey Baydhabo

0
172

Baydhabo(INO)- Kulan Muhiim ah oo Looga Hadlayey Tacdiyada Maleeshiyada Al Shabab Ee Soomaaliya Ka Dagaalanta  isla markaana Ay Kula Kacaan Bulshada rayidka Ee Ku Nool Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta Ka Dhacey Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.

Kullanka ayaa Waxaa Soo QabanQaabisayWasaradaWarfaafinta Iyo Wacayigalinta Bulshada Koonfur Galbeed Soomaaliya .

Waxaana Munaasabada Ka soo Qeyb Galay Wasiiro, Xildhibaano ,Maamulka Gobolada Bay Iyo Kan Degmada Baydhabo Iyo Qeybaha Kala Duwan Ee Bulshada Baydhabo iyo Sidoo kale Dallada Bulsahda Riyadka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee SOSWENSA.

Kulanka ayaa waxaa Diirada Lagu Saarey Dhibaatooyinka Maleeshiyada Mayalka Adag Ee Soomaalida Al Shabab ay Ku hayaan Deganada KGs Iyo Sida Dhibatooyinkaasi Looga Hortagi Lahaa.

Dhibatooyinka Kooxda Al-shabaab Ay Ugeysaneysa Bulshadan Ayaa Waxaa Ka mid Ah ; Qaraxyo Dad badani Ay Ku dhinteen Kuwo Kalena Ay Ku dhaawacmeen , Dilal Barer Ah , Argagax galin, Iyo Xad gudubyo tiro badan.

Ku simaha Gudoomiyaha Degmada Ahna Gudoomiye Kuxigeenka Maamulka Degmada Cali Aadan Cali oo hadal Dheer ka jeediyey Kulanka Ayaa Sheegay in Argigixisada Al-shabaab Ay Ka sii Daciifeyso Soomaliya Loona BahanYahay in Intayeree Ku haray Soomaaliya GaarAhaan KGS Xooga La saaro Sidii Loo Baabin Lahaa.

 

WasiirkaWarfaafinta iyo Wacyi-galinta Bulshada KGS Ugaas Xasan Cabdi Maxamed Ayaa Bulshadii Maanta Isku Timid Waxaa Uu Ku booriyey In Ay  Ka fogaadaan Ka mid Ahanshiyaha Argigixisada iyo Dhibaateynta Bulshada ,Wuxuuna Ugu Baqaey In Si Sharci Ah Ay Dalkooda Ugu Shaqeystaan, argigixisinimaduna ay ka fogaadaa.

Ugu dambeyntii Dhibaatoyinka Ay Alshabab Ku hayaan Bulshada KGS Ma ahan Mid Yar ,Waxay Ka dileen Indheerg aradkii , Aqoonyahankiii yo Dadka Dhaxalgalka u Ah Bulshada Sida Cukumaa’udiinkaa ,Odayaasha Dhaqanka ,Waxayna Sidoo Kale ku takrifalayaan haantida Deganadan.

Halkan Ka Daawo Sawiro

01020304050607

 

01

 

Wariye Cumar Mustafa, Idale News Online, Baydhabo