Maxkamadda Dambiyada ICC oo ku Riday Xukun Xabsi ah Ruux Bur-buriyay Goobo Taariikhi ah

0
224

Hague(INO) — Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee Xarunteedu tahay Magaalada Hague ee Wadanka Netherlands, ayaa sagaal sannadood oo xabsi ah ku xukuntay, Ahmed Al-faqi Al-Mahdi oo lagu helay dambi ah inuu burburiyay goobo taarikhi ah oo dalka Maali ku yaalla.

Axmed Al-Mahdi, ayaa xilligaas uu bur-burinayo goobahan taariikhiga ah wuxuu ka tirsaanaa kooxda Islaamiga ah ee Ansaaru Diin ee ka dagaalanta Maali. Isagoo qirtay inuu ka tirsanaa Dagaal-yahanada Islaamiga ah ee Ansaaru Diin uuna amray in la burburiyo goobahaas Taariikhi ah.

Sidoo kale, Goobahan la burburiyay ayaa waxaa ka mid ahaa goobo diimeed oo magac ku leh wadanka Maali, kuwaasoo ku yaallay magaalada Qadiimiha ah ee Timbaktu, intii u dhexeysay Sanadihii 2012-kii illaa 2013-kii.

Dacwad-oogaha Maxkamadda ICC, Fatou Bensouda – ayaa Sheegtay in Ninkaan Maxkamadeyntiisa ay tahay mid muhiimad weyn u leh maxkamadani.

Waa markii ugu horreysay oo maxkamaddaan ay soo dacweyso ayna eedeyso ruux bur-buriyay Goobo Taariikhiga ah. Sidoo kalena waa markii ugu horreysay oo qof maxkamaddan lasoo taagay uu dambigii lagu soo eedeeyay qirto.

Maxkamadeynta Axmad Al-Mahdi ayaa intii ay socotay wuxuu shacabka reer Mali u jeediyay Raallli-gelin, Wuxuuna ka dalbaday in ay cafiyaan, laakiinse wuxuu ku dooday inay jah-wareeriyeen dad aan Quneyn.

Ugu dambeyn, Dacwad-oogayaasha Maxkamadda Caalamiga ah ee ICC ayaa weydiistay maxkamadda inay ku riddo ninkan 11 sano oo xarig ah.