Muqdisho (INO) Dowladda Soomaaliya ayaa shaki ka muujisay dhaqaalaha ka soo xaroonaya dekedda weyne ee caasimadda Muqdisho iyo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde oo ay maamullan shirkaddo laga leeyahay dalka Turkiga.
Waxaa la sheegay shaki-gan inuu ku qasbayo dowladda dib u eegis lugu sameeyo heshiiska ay dowladda kula jirto shirkadaha maamulla garoonka diyaaradaha iyo dekedda Muqdisho.
Wasiirka Maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya,Maxamed Aadan Fargeeti ayaa sheegay in heshiisyadii lala galay shirkadaha Favori iyo Al-Beyrak dib u eegis lagu sameyn doono, isla markaana ay miiska saaran yihiin.
“Heshiiska aan la galnay oo qoraal ah miiska ayay saaran yihiin, labadaba dib u eegis ayaa ku socota, Al-Beyrak waxay noo sheegeen waxa ay ka qaataan Dekeda iyo waxa ka soo gala aan isku mid aheyn”ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda oo wareysi siinayay Telefishinka Horn Cabel.
Waxuu caddeeyay wasiirka maaliyadda in arrinta ku saabsan garoonka ay rumeysan yihiin in dhaqaalaha ka soo gala inteeda badan qaadato shirkadda Favori, taasna iyana heshiis laga gaari doono.
“Dowlad ahaan waxaa aaminsanahay in Favor naga badsanayaan dhaqaalaha, laakiin waxay noqon doontaa mid labada dhinac lagu qanacsan yahay”ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda
Wasiirka ayaa sheegay in marka lagu sameeyo dib u eegis heshiisyadaas, isla markaana la isla meel dhigo wixii jira ay qandaraaska u kordhin doonaan Shirkadaha Favori iyo Al-Beyrak.
Shirkadda Favori ayaa bishii September ee sanadkii 2013 la wareegtay Garoonka Diyaaradaha Aadan cadde, iyadoo xilligaas kala wareegtay maamulka Garoonka Shirkadda SKA oo muddo saddex sano maamuleysay garoonka.
Sidoo kale Shirkadda Albeyrak ayaa iyana lagu wareejiyay Dekeda Muqdisho bishii September ee sanadkii 2014, waxayna shirkadan ku soo kordhisay dekeda adeegyo casri ah oo lagu hormariyay Dekeda.
Horay waxaa u dhacday in hanti dhowraha Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax uu ku eedeeyay Shirkadaha Favor iyo Al-Beyrak inay diidaan in la xisaabtan lala sameeyo, isagoo marka tilmaamay in madaxda dowladda uu ku wargeliyay arrintan.
Halkan Ka Daawo VIDEO