DEG DEG: Xeer Ilaaliye kuxigeenka Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo lagu dhaawacay Muqdisho

0
201

Muqdisho(INO)— Dabley hubeysan oo gaari wadatay ayaa maanta degmada Warta-Nabada Ex Wardhiigley ku dhaawacay Xeer Ilaaliye kuxigeenka Maxkamadda Ciidamada qalabka sida G/Dhexe C/llaahi Xuseen Maxamed oo loo yaqaano (Mayoonge).

Weerarkan ayaa ka dhacay agagaarka Saldhiga Booliska degmada Warta-Nabada, iyadoo weerarkan lagu dilay Darawalkii Xeer Ilaaliye kuxigeenka.

Saraakiil ka tirsan maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in baaritaan ku sameynayaan qaabka uu weerarkaas u socdo.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa horay ugu ridday xukuno isugu jira dilal iyo xabsi askar ka tirsan ciidanka dowladda iyo xubnaha lagu soo eedeeya inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Ma jirto illaa iyo hada cid sheegatay weerarkan, balse waxaa la tuhunsan yahay inay ka dambeeyaan Al-Shabaab, oo horay sidan oo kale weerar qorsheysan ku dishay saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin ka tirsanaa ciidanka dowladda.