Daawo: Musharax Cali Aaden Xuseen Oo Beesha Eylo Weydistey Ka Mid Noqoshada BFS Ee 2016

0
273

Baydhabo(INO)- Xildhibaan Cali Aaden Xuseen  oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamanka Federalka Ee Soomaaliya ayaa maanta soo gaarey Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, isagoona ku dhawaaqay Musharaxnimadiisa Ee BFS 2016.

Soo dhaweynta waxa ka qiib qaatey Odayaal dhaqmeedyo, Haween iyo dhalanyaro kuwaasoo kalsooni u muujiyey Musharax Xildhibaan Cali Aaden Xuseen.

Musharax Cali Aaden Xuseen oo Ka Soojeeda Beesha  EYLO ayaa ka dalbadey Beeshiisa inay ku taagyeerto ka mid noqoshada Baarlamanka Soomaaliya Ee 2016 isla markaana waxa uu shegey inuu  ku daali doono sidii loo horumarin Lahaan Degaanada Beesha ay degto ayna u heli laayeen caruurtooda Waxbarasho, Caafimaad iyo  waxyaabaha Aas aasiga ah ee noolasha.

Halkan Ka Daawo VIDEO