Daawo Sawiro: Wasaarada Waxbarashada KGS iyo Hay’ada ADRA Oo Iskuul Casri Ah Dhagax Dhigay

0
179

Baydhabo (INO)- Wasaarada Waxbarashada iyo Barbaarinta Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Hay’ada ADRA ayaa Maanta si wada jir ah u dhagax dhigey iskuul Casri ah oo aan weligiis laga hergalin Degaanada Koonfurta Soomaaliya, ayna wax ku baran doonaan Ardeyda Koonfur galbeed Soomaaliya.

Munaasabada Dhagex dhiga waxa ka qiib Galey Wasiirka wasaarada waxbarashada iyo Barbaarinta Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Sadaad Maxamed Nuur Caliyow, Gudoomiyaha Gobolka Bay  Mudane C/rashiid  C/laahi Maxamed, Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale oo ka mid ah Xildhibaanada dowladda Federaalka Soomaaliya, Mas’uuliyiinta Hay’ada ADRA Ee Fuleysa Mashruucan iyo Waxgarad Kale.

Wasiirka Wasaarada waxbarashada iyo Barbaarinta Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Saadaad Maxamed Nuur Caliywo ayaa soo dhawayey mashruuca lagu horumarinayo waxbarashada Koonfur Galbeed Soomaaliya gaar ahaan wuxu madaxda iyo shacabka Koonfur Galbeed ugu hambalyeeyey qaybta ay ka heleen mashruucaa horumarinta waxbarashada Dalka.

” Hay’ada ADRA ayaa waxay dhisaysaa  Labo Iskuul oo Casri ah oo aan wligood laga dhisin Koonfur Galbeed, Waxaana laga kala dhisaya Magaalada Baydhabo iyo Degmada Afgooye Gobolka Shabellaha Hoose, waxaan Naga go’an mar Weliba Horumarinta iyo Tayeyta Waxbarashada Degaanadayada” ayuu yiri Mudane Saadaad Maxamed Nuur Caliyow.

Si kastaba ha haatee, Mashuurcan hada ay wado Hay’ada  ADRA ayaa imaanaya Xili dhawaan Dowladda Soomaaliya ay sheegtay in uu jiro heshiis iskaashi waxbarasho oo ay wada saxiixdeen wasaaradda waxbarashada iyo midowga Yurub,isla markaana waxa heshiiskaas taabogelinaya  hey’adda  ADRA.

Sidoo kale heshiiskaas ay ku tilmaamtay DFS mid qiimo badan isla markaana  waxay ay xustey in dowladda iyo maamul goboleedyada uu ka caawin doono dhanka waxbarashada iyo Tayeyta.

Ugu dambeyntii, Safrrika midowha Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d’Urso iyo Hay’ada ADRA ayaa dhawaan sheegeen in ay ku dadaalayaan sidii uu gacan uga siin lahaa Soomaalida arrimaha waxbarashaa ee caruurta, dhalinyarada iyo dadka waaweyn.

Halkan Ka Daawo Sawiro

0102030405