Mashquul xoogan oo laga dareemaayo Diyaaradaha u duula Gobolada dalka

0
176

Muqdisho(INO)- Waxaa xilligaan mashquul xoog badan laga dareemayaa Diyaaradaha u duulaya Gobolada dalka Somaliya oo si xowli ah maalin waliba ugu baxa qaar ka mid ah Gobolada dalka Somaliya.

Mashquulka ugu badan ayaa salka ku haayo arimaha ku aadan daad gureynta Ergooyinka soo xulaya xubnaha Baarlamaanka Somaliya ee laga soo dooranaayo Gobolada dalka Somaliya.

Diyaaradaha yar yar ee u baxa Gobolada dalka, ayaa qiimo ahaan kordhay lacagaha lagu raaco, iyaga oo ka faa’iideysana xilligaan Doorashooyinka, maadaama Gobolada dalka ay ka dhacayaan Doorashada Xildhibaanada.

Sidoo kale Madaxda Dowladda Federalka Somaliya oo qaarkood u baxay Deeganada ay ka soo jeedaan, ayaa kireysta Diyaaradaha yar yar iyaga oo diidaya inay dadka shacabka ah la raacaan, waxaana laga qaadaa lacago fara badan oo ku baxa Safarkooda.

Isbedel ayaa lagu sameeyay nidaamkii dadka ay ku geli jireen Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho, waxaana Shirkada Favori ee dalka Turkiga laga leeyhay ay keentay Basas dadka Rakaabka ah looga qaadaayo agagaarka Xarunta UNDP ee ku taalo wadada Garoonka Aadan Cadde.

Dadka Rakaabka ah ee Diyaaradaha raaca ayaa ku xaadiraya xarun u dhaw halka ay ku taalo dhismaha UNDP, waxaana halkaasi ka daad gureynaya basaska oo geynaya Diyaarada agteeda, iyadoo sidaasi ay ku baxayaan dadka, tani ayaa meesha ka saartay in dadka ay galaan Garoonka oo ay fariistaan qaybta Nasiinada inta diyaarada ka imaanayso.

Nidaamkaan cusub ee la soo rogay ayaa faa’iido ah u dadka ka baxa Garoonka Aadan Cadde, iyadoo wixii baaritaano dhanka amniga ku saabsan lagu marsiiyo halka laga qaadaayo, kadibna marka ay diyaarado timaado loo yeeraayo oo la qaadaayo.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho oo sameeyay horumar weyn ayaa xilligaan la jaanqaadaya Garoomada kale ee diyaaradaha ee dalalka Aduunka ka jira.