Dhageyso: Madaxweynaha Somaliya “Hal Mitir oo ka mid ah Biyaha badeena kama tanaasuleyno”

0
197

Muqdisho(INO)- Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu ka hadlay dacwada Badda ee u dhaxeysa dalalka Somaliya iyo Kenya oo maanta oo Isniin ah si rasmi ah uga bilaabanaysa maxkamada caalamiga ah ee Hague.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Hal mitir oo ka mid ah Biyaha Badda Somaliya, Dowladda aysan ka tanaasuleyn, isaga oo sheegay in Difaacayaasha Badda Somaliya ee sharciyaqaanada ah ay arintaasi u doodi doonaan. 

“Maanta waxaa bilaabanaya Dacwadii Kenya iyo Somaliya u dhaxeysay ee Badda, Dacwadaas Kooxda Sharciyaqaanada Somalida ah Maxkamada ayeey tagayaan kuwa Kenyana dabcan wey imaan doonaan, muhiimada Dacwada bada waxa ay tahay dhulka Biyaha Somaliya hal mitir oo ka mid ah inaan laga tanaasulin.”Ayuu yiri Madaxweynaha

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale sheegay markii Dowladda Somaliya iyo Dowladda Kenya ay isku fahmi waayeen wada hadalka ku aadan Muranka Badda inay keentay Dacwada in loo gudbiyo Maxkamada Hague.

“Marka anaga iyo walaalaheen Kenya aan wada hadalnay oo aan wada hadalkii isla keeni weynay, Mushkilada in lagu xaliyo si qaanuuni ah oo ilbaxnimo ah oo qawaaniinta caalamka la dugsanaayo aad ayaan kalsooni badan ugu qabnaa inaan saxanahay oo waxa aan ku doodayno ay tahay xaqa aan leenahay cid kale inaan dulminayno ma aaminsani, xaqaasi aan leenahay anaga go’aan Dowlada Somaliya anagoo mataleyna shacabka Somaliyed, hal mitir oo Biyaheena ka mid ah inaan ka tanaasulno ma rabno.”

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa sheegay inuusan jirin carqalad kale oo ka dhex taagan dalalka Somaliya iyo Kenya, marka laga soo tago dacwada taagan.

“Sideena kale Kenya iyo anaga waxaa nahay labo dal oo Cilaaqaad wanaagsan ka dhaxeeyo oo aysan jirin wax kale oo xumaan ah, dabcan iyagana waa ay aaminsan yihiin sidaasi.”