Kooxo hubaysan ayaa weerar ay ku qaaday Saldhig ciidan oo ku yaalo Gobolka Kashmir waxa ay ku dishay Askar ka tirsan ciidamada Dowladda.
Weerarkaan ayaa lagu qaaday Saldhiga Booliska ee Uri oo ku yaalo Kashmirta ay maamusho Hindiya, waxaana Saraakiil Booliska ka tirsan ay sheegeen in halkaasi lagu dilay 17 Askari.
Maleeshiyada ayaa waagu intuusan baryin weerar ku qaaday saldhiga Uri oo ku yaalla meel u dhaw xadka qaybta ay Pakistan maamusho ee Kashmir.
Waxaa wali socda baadi goobka lagu hayo Ragii hubaysnaa ee kale oo la rumaysan yahay in ay deegaanka ku dhuumaalaysanayaan.
Arrintani waxay imanaysaa iyadoo ay sii socdaan mudaaharaadyada rabshadaha wata ee lagu diidan yahay in Hindiya ay maamusho gobolka Kashmir, waxaana halkaasi ka jira bandaw adag.
Madaxda dalka Hindiya ayaa cambaareeyay ficilkaasi lagu dilay askarta gaaraysa 17-ka.
Ciidamada Millateriga ayaa baadigoob xoogan waxa ay ugu jiraan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen dableyda falkaasi geysatay.