Musharixiin u taagan Xilka Xildhibaanimada Baarlamaanka soo socda oo maanta Baydhabo lagu soo dhaweeyey.(SAWIRO)

0
192

Wafdigan oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ee maanta soo gaaray Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay waxaa si diiran loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud ee Magaalada Baydhabo.
Masuuliyiintan maanta soo gaaray Magaalada Baydhabo waxaa ay ku sheegeen ujeedada imaatinkooda in ay yihiin Musharixiin u taagan Xilka Xildhibaanimo ee baarlamaanka soo socda.
Masuuliyiintan Maanta Magaalada Baydhabo lagu soo dhaweeyey waxaa ka mid ah Wasiirka Tamarta iyo kheyraadka Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, soo dhaweyntiisa ka dib Wasiirka shacbkii iyo masuuliyiintii soo dhaweynta u sameeyey kula hadlay Magaalada Baydhabo wuxuu u sheegay inuu yahay Musharax u taagan Xilka Xildhibaanimada aqalka hoose oo dhawaan la filayo in lagu doorto Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Konfur Galbeed.
Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan Wsiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda ayaa Garoonka Diyaaradaha ilaa guriga uu ka degan yahay Magaalada wuxuu maray isagoo Gaari kor ka saaran oo shacabka Magaalada salaamaya.
Wuxuu sidoo kale kulamo uu la qaatay Odayaal dhaqmeedyo Siyaasiyiin iyo qeybaha bulshada Baydhabo isagoona si cad ugu sheegay inuu yahay Musharax u taagan Xilka Xildhibaanimo ee Dowlada soo socota, Wuxuu balan qaaday hadii la doorto inuu la imaan doono Isbadel iyo wax qabad muuqda.
Masuuliyiinta sidoo kale maanta Baydhabo lagu soo dhaweeyey waxaa ka mid ah Xildhibaan Muktaar Macallin Xassan, Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow iyo siyaasiyiin kale kuwaasi oo dhamaantoodba shaaciyey in ay yihiin Musharixiin u taagan Xilka Xildhibanimo oo la filayo in dhawaan lagu doorto Magalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Konfur Galbeed.

SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC img_20151130_160437 muktar